Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa maalinta Isniinta baadhitaan lagu samayn doonaa si loo ogaado xaaladiisa dhaawac kadib markii uu ka baxay kulankii Burnley.
Xiddiga De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay bartamihii qaybtii hore ee ciyaarta kulankii Burnley ee kaga badisay 3/0.
Tababare Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga ku soo laabtay dhaawac soo gaadhay final-kii champions League.
“Nasiib darro mar kale ayuu dhaawacmay,” Guardiola ayaa yiri ka dib guushii 3-0 ee Burnley.
“Waxa uu ka dhaawacmay booskii hore ee final-kii champions League”waxana uu maqnaan doonaa muddo”.

Related



Source link