Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixa Harry Kane iyada oo aan lala tartamin kadib markii ay Manchester United isaga baxday tartanka saxiixa kabtanka England horaantii xagaagan laba sababood dartood.
Kane ayaa u safray Jarmalka habeenimadii jimcaha si uu tijaabada caafimaadka u maro, kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa xaqiijisay sabtidii inuu saxiixay heshiis dhacaya June 2027, wuxuuna xiran doonaa lambarka No.9.
Man United ayaa ahayd kooxda Saxiixa xiddiga kula tartamaysay Bayern Munich laakiin waxa ay isaga hadhay baacsiga xiddiga iyaga oo wadada u baneeyay Bayern Munich.
Wargayska The Athletic in ay United isaga hadhay baacsiga xiddiga iyaga oo aan dadaal xoog ah u samayn saxiixa xiddiga.
Tababaraha kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa sheegay laba sabab oo ay Man United uga baxday tartanka xiddiga kadib markii ay Man United la soo saxiixatay Rasmus Hojlund.
“Ugu horeyn waxaan dooranay weeraryahan, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay doorashadayada,” ayuu yiri Ten Hag ka hor kulanka habeenka isniinta ee Wolves.
“Waxa aan marnay waddo dheer oo aan si dhaw wax walba u qiimaynay waxana aan go’aansanay in aanan u dhaqaaqin Kane sababta oo ah waxa aan ku faraxsanahay in aan helnay weeraryahan da’yar ah”.

Related



Source link