Xiddiga kooxda Man City ee Ering Haaland ayaa sii waday wacdarihii uu dhigayay kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka cusub.
Haaland ayaa 2 gool dhaliyay kulankii furitaanka kooxdiisa ee horyaalka premier League ay ka badiyeen kooxda Burnley.
Xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareedkiisa fiican ka bilowday halkii uu ku joojiyay xilli ciyaareedkii hore.
Kadib 2-da gool ee uu ka dhaliyay Burnley Haaland ayaa premier League xasuusiyay Halyeeyga chelsea ee Didier Drogba.
Haaland ayaa noqday xiddigii 2-aad ee 2 gool iyo wax ka badan ka dhaliya premier League kulanka ugu horeeya laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.
Didier Drogba ayaa ay xiddiga kaliya ee horay sidaas ku sameeyay kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka 2 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.
Related