Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa u mahad celinaya kooxda Liverpool xilli ay Reds Blue ku garaacday saxiixa xiddiga Moise Caicedo.
Liverpool ayaa chelsea ku garaacday saxiixa xiddiga Moise Caicedo Iyada oo Reds haatan kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Kooxda Chelsea ayaa muddo 3 bil ka badan ku raad joogtay saxiixa xiddiga Moise Caicedo iyada oo Pochettino si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Laakiin Liverpool ayaa haatan Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga Moise Caicedo iyada oo sidoo kale kooxdu isku diyaarinayso in ay tijaabada caafimaadka mariso xiddiga.
Kadib markii ay Liverpool heshiis la gaadhay Brighton lana filayo in ay saxiixiisa ku garaacdo Chelsea maadama ay wax walba dhamaystirtay.
Taageerayaasha Arsenal ayaa Liverpool uga mahad celiyay in ay Chelsea ku garaacdo saxiixa Moise Caicedo sabab la xidhiidha sidii ay chelsea u gashay kooxdooda suuqii January.
Chelsea ayaa Arsenal saacadihii ugu dambeeyay ku saxiixa Mykhailo Mudryk kaas oo ay muddo ku raad joogeen saxiixiisa.

Related



Source link