Manchester United ayaa Moises Caicedo kula soo saxiixan kartay qiimo dhan 4.5 milyan oo euro xilli uu lacag rikoodh ah ugu biirayo Liverpool.
Caicedo ayaa ahaa hadal haynta suuqa xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda chelsea kuwaas oo muddo dheer ku raad joogtay xiddiga.
Laakiin waxa ay u muuqataa in Liverpool  ay ku sii dhowaanayso saxiixa 21 jirkan, ka dib markii ay Brighton aqbashay dalabkoodii ugu badnaa oo dhan £110 milyan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa xilli ciyaareedkii hore ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo tartamada yurub.
Si kasta ha ahaatee wargayska Athletic ayaa sheegaya in ay Man United ku heli kartay saxiixa Caicedo kaliya 4.5 milyan sanadkii 2020

Related



Source link