Liverpool ayaa heshiis la gaartay Brighton and Hove Albion si ay Moises Caicedo kaas oo ay kula wareegayso heshiis rikoodh ah oo dhan 110 milyan oo euro.
Brighton ayaa xaraash ku sameysay saqdii dhexe ee Khamiista, iyadoo Liverpool ay tahay kooxda ugu badan ee soo bandhigtay lacagta uu badan kadib markii ay chelsea ilaa haatan miiska saartay 100 milyan oo euro.
Liverpool ayaan wali heshiiska shaqsiga ah la gaadhin xiddig Caicedo laakiin waxa la filayaa in la dhamaystiro heshiiska maanta oo jimce ah isaga oo xididgu mari doona tijaabada caafimaadka.
Chelsea ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad xiddiga xagaagan oo dhan iyada oo laga diiday dalabyo badan laakiin Liveprool ayaa haatan ku dhaw saxiixa xiddiga.
Caicedo ayaa noqon dona saxiixa ugu qaalisan taariikhda Liverpool isaga oo dhaafi doona Virgil Van Dijk oo ahaa xiddiga jgu qaalisan.
Liverpool ayaa baanka u jabisay Caicedo kadib markii ay xagaagan lumisay Fabinho iyo Henderson kuwaas oo aaday horyaalka sucuudiga.
Related