Kooxda chelsea ayaa ka baxday heshiiskii ay ku doonaysay xiddiga xiddiga kooxda Leeds ee Tyler Adams.
Waxa la rumaysanyahay in ay labada dhinac heshiis gaadhi waayeen sidaas darteed heshiiska ayaa si Rasmi ah u bur-buray.
Chelsea ayaa bixisay lacagta 20-ka milyan ee lagu bur-burin karo saxiixa xiddiga laakiin heshiiska ayaan dhicin.
Adams ayaa xitaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda chelsea waxana uu filayay in uu si buuxda ugu biiro kooxda chelsea.
Laakiin Chelsea ayaa la xaqiijiyay in ay si buuxda uga baxday heshiiska ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe.
Related