Kooxda Southampton ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalabkii ay chelsea ka gudbisay saxiixa xiddiga Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa dalab Rasmi ah oo 48 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia si ay ugu xoojiso khadka dhexe.
Laakiin Southampton ayaa la sheegayaa in ay diiday dalabka Chelsea ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay Sky Sport, Southampton ayaa diiday dalabka Blues maadama ay wali doonayso in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 50 milyan oo euro.
Kooxda Southampton ayaa horay Liverpool uga diiday 3 dalab oo uu midkii ugu dmabeeyay ahaa 46 milyan oo euro.
Related