Kooxda Real Madrid ayaa bilowday in ay suuqa u gasho Goolhaye Cusub kadib dhaawaca soo Gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois.
Thibaut Courtois oo uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay Tabbaarka ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo dheer.
Wargayska Marca ayaa sheegay in ay Real Madrid bilowday raadinta badalka Goolhaye Thibaut Courtois kaas oo mari doona qaliin maalmaha soo socda.
Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la yeelatay Goolhaye David De Gea si ay ugu badalaan Goolhaye Thibaut Courtois.
Sidoo kale Los Blancos ayaa wadahadalo la bilowday Goolhayaha kooxda chelsea ee Kepa Arrizabalaga.
De Gea ayaa bilaa koox ah tan ilaa markii uu dhacay heshiiskiisii Man United halka Kepa lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.
 

Related



Source link