Kooxda Real Madrid ayaa bayaan ku shaacisay dhaawac halis ah oo soo gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois.
Real Madrid ayaa sidoo kale sheegtay in uu Goolhaye Thibaut Courtois mari doono qaliin maalmaha soo socda.
Los Blancos ayaa bayaanka ku soo saartay”Kadib baadhitaan lagu sameeyay Thibaut Courtois, Waxa cadaatay in uu Goolhayaha soo gaadhay dhaawac halis ah waxana uu mari doona qaliin maalmaha soo socda”.
Wargayska MARCA Ayaa shaaca ka qaaday mudada uu Goolhaye Thibaut Courtois garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawaca soo gaadhay.
Thibaut Courtois ayuu dhaawacu soo gaadhay xilli uu ku jiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga
Wargayska ayaa sheegaya in uu Goolhaye Thibaut Courtois garoomada ka maqnaan doono muddo 5 ilaa 7 bilood ah kadib dhaawaca soo gaadhay.
Related