Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Tom Heaton uu dhaawac ku seegi doono todobaadyada ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub.
Reds Devils ayaa bilaabeysa ololaheeda Premier League habeenka isniinta iyagoo wajahaya kooxda Wolves.
Waxaa lagu soo waramayaa in goolhayaha ruug cadaaga ah uu soo gaaray dhaawac kubka ah waxana uu seegi doonaa kulamada ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub.
Goolhaye Onana ayaa noqon doona Goolhayaha kaliya ee kooxda 1-aad ee taam u noqon doona Man United marka la eego in Dean Henderson uu ka soo kabsanayo dhaawac.
Dhaawaca Heaton ayaa imanaya xilli ay Man United doonayso in ay si fiican ku bilaabato xilli ciyaareedkeeda cusub.
Erik Ten Hag ayaa la filayaa in uu u yeedho Goolhaye u ciyaara kooxda da’yarka ah si uu ugu buuxiyo booska Heaton ee seegaya xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link