Manchester City ayaa dalab cusub ka gudbisay xiddiga reer Brazil Lucas Paqueta oo khadka dhexe uga ciyaara West Ham sida laga soo xigtay Foot Mercato.
Sida laga soo xigtay “Foot Mercato”, Manchester City ayaa soo bandhigtay dalab labaad oo lagu qiyaasay 101 milyan oo Yuuro, ka dib markii ay diiday dalabkii ugu horreeyay, kaasoo lagu qiyaasay 80 milyan oo Yuuro, maalmihii la soo dhaafay, horaantii toddobaadkan.
25-sano jirkaan ayaa xirfadiisa ka bilaabay kooxda reer Brazil ee Flamengo waxana uu xagaagii hore West Ham kaga soo biiray Kooxda Lyon.
Kooxda Man City ayaa xiddiga doonaysa in ay ka dhigto saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga si ay ugu buuxiso booska Gundogan.
Sidaas darteed Man City ayaa wax walba u samaynaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga reer Brazil.

Related



Source link