Kooxda Liverpol ayaa isku dayaysa in ay dalab wakhti dambe ah chelsea kaga afduubato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe iyada oo laga diiday dalabyo badan oo ay ku doonayso xiddiga 21 jirka ah.
Laakiin dalabk Liverpool ayaa la rumaysanyahay in uu ka sareeyo dalabkii ugu dambeeyay ee ay chelsea ka gudbisay saxiixa Caicedo.
Tallaabada Liverpool ayaa khal-khalinaysa qorshaha kooxda chelsea ee saxiixa Caicedo taas oo keentay in ay chelsea dhinaceeda dalab ka gudbisay xiddiga lala xidhiidhinayo liverpool ee Romeo Lavia.
Xiisaha Liverpool ee Saxiixa Caicedo ayaa la sheegay bilowgii xagaagan laakiin waxa ay sugtay ilaa todobaadkan si ay Tallaabo ugu qaado saxiixa xiddiga.
Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Liverpool dareenkooda u jeedinayso saxiixa Caicedo iyada oo ku dhibaatoonaysa in ay Southampton kala heshiiso saxiixa xiddiga.
Related