Kooxda chelsea ayaa si weyn u dhibaatootay xilli ciyaareedkii hore waxana ay ku dhamaysteen kaalinta 12-aad ee kala saraynta kadib markii laga badiyay 16 ka mid ah 38 kulan oo ay ciyaareen.
Frank Lampard ayaa dib loogu magacaabay tababare ku meel-gaadh ah kadib markii shaqada laga caydhiyay Graham Potter ka hor inta ayna kooxdu tababare buuxa u magacaabin Mauricio Pochettino.
Si kasta ha ahaatee waxa baxay xiddigo badan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub kana mid yihiin N’Golo Kante, Ruben Loftus-Cheek, Mateo Kovacic, Kai Havertz, Christian Pulisic, Edouard Mendy & Kalidou Koulibaly.
Inkasta oo ay chelsea samaysay saxiixyo badna suuqa kala iibsiga xagagaa hadana waxa jirta laba sabab oo ay chelsea ugu dhibaatoon karto xilli ciyaareedka cusub.
Hadaba warbixinyan waxa aan ku soo bandhigi doonaa warbixin laba sabab oo ay chelsea u dhibaatoon doonto xilli ciyaareedka cusub.
1.Daafac ku tiirsanaanta:
Chelsea ayaa laga yaabaa in ay aad ugu tiirsan tahay ciyaartoydeeda daafaca si ay qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaan xilli ciyaareedka soo socda.
Ciyaartoyda sida Thiago Silva, Trevoh Chalobah, Reece James iyo Ben Chilwell waa ciyaartoy tayo leh. Si kastaba ha ahaatee, ku-tiirsanaanta dheeraadka ah ee iyaga ayaa laga yaabaa inaysan ahayn mid aad loo jecel yahay, sababtoo ah dhaawaca mid ka mid ah ayaa laga yaabaa inuu Chelsea dhibaato ku keeno.
2.Khibrad La’aanta Weerarka:
Weerarka chelsea ayaa si aad ah u la’aan doona khibrad xilli ciyaareedka dambe iyada oo Sterling yahay xiddiga kaliya ee khibrad hagaagsan leh.
Xiddigaha Mykhailo Mudryk, Ian Maatsen & Nicolas Jackson ayaan lahayn khibrad badna iyaga oo ah xiddigo da’yar ah oo aan horay horyaalka premier League

Related



Source link