Kylian Mbappe ayaa go’aansaday inuu sii joogo Paris Saint-Germain wixii ka dambeeya xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.
24 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo qandaraaskiisa PSG uu dhacayo 2024.
Kooxda Saudi Pro League ee Al Hilal ayaa soo bandhigtay dalab rikoorka adduunka ah oo gaaraya 259 milyan euro oo ay ku doonayaan weeraryahanka, laakiin Mbappe ayaa la sheegay inuu diiday inuu la hadlo wakiilada kooxda.
Labada Liverpool iyo Chelsea ayaa lala xiriiriyay inay amaah ugu dhaqaaqaan 24-sano jirkaan, kaasoo PSG ay aaminsan tahay inay mar hore ogolaatay inuu ku biiro Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
Xilli si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa Mbappe ayaa gaadhay go’aankiisii ugu dambeeyay.
Xiddiga reer France ayaa kooxda PSG ku War galiyay in uu meelna uga Socon kooxda xagaagan.
PSG ayaa wax walba u samaynaysa sidii ay isaga iibin lahayd xiddiga xagaagan laakiin waxa ay u muuqtaa in uu sii joogi doono kooxda.
Related