Waxa bilaabanaya horyaalka premier League oo la filayo in uu xiiso noqdo lana filayo in ay tartamaan kooxo badan oo kala duwan.
Man City ayaa bilaabanaysa difaacashada horyaalka premier League iyaga oo la ciyaari doona kooxda Burnley oo ku soo laabatay premier League.
Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier Leageu.
Kulanka: Burnley Vs Man City
Tartanka: Premier Legaue
Wakhtiga: 10:00
Garoonka Turf Moor.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Burnley ayaa badisay kaliya hal kulan 23-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay la ciyaartay Manchester City
(D6 L16) waxaana laga badiyay sideeddii ugu dambeysay oo isku xigta Iyaga oo wadar ahaan laga dhaliyay 26.
Tartamada oo dhan, Man City ayaa badisay 11 kulan oo xiriir ah oo ay wajahday Burnley, iyadoo gool ka dhalisay 40 gool lagana dhaliyay hal gool.
Burnley ayaa badisay labo kulan oo qura sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ee ay la ciyaareen koox difaacanaysa horyaalka premier League kulanka furitaanka.
Man City ayaa badisay kulamadooda furitaanka premier League 12 ka mid ah 14-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Related



Source link