Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leeds United ee Tyler Adams sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in ay chelsea bixisay lacagta 20-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskisia kooxda Leeds United.
Chelsea ayaa sidoo kale heshiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Tyler Adams si ay uga dhigaan saxiixii 6-aad ee ay sameeyaan suuqa kala iibsiga xagaaga.
Blues ayaa muddo 10 maalin ah ka shaqaynaysay heshiiska xiddiga waxana ay u muuqataa in ay haatan ugu dambayn gacanta ku dhigayso xiddiga.
Xiddiga Tyler Adams ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda chelsea kuna biiro xiddigaha Blues ka hor kulanka Liverpool ee Axada.

Related



Source link