Xiddiga Bayern Munich Benjamin Pavard ayaa doonaya inuu ku biiro Manchester United xagaagan isagoo doonaya inuu khibrad u yeesho Premier League.
Xiddiga reer France ayaa Bayern Munich u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Man United inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Daafaca ayaa Bayern ku soo biiray sanadkii 2018 laakiin waxa inta badan loo istcimaalay daafac midig inkasta oo uu ka ciyaaro daafaca dhexe.
Man City ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabtay saxiixa Pavard ka hor intii uuna Kyle Walker go’aansan in uu sii joogo kooxda.
Iyada oo Harry Maguire ka tagayo kooxda Man United ayaa doonaysa in ay Pavard ku buuxiso booska Maguire xilli ciyaareedka cusub.
Related