Rio Ferdinand ayaa filaya in Manchester City ay ku guulaysato Premier League sanadkii afraad oo xidhiidh ah laakiin wuxuu sheegay in Manchester United iyo Arsenal ay noqon doonaan kooxaha ugu wayn ee ku loolami doona horyaalka.
Man City ayaa ahayd awood aan la loodin karin premier Leageu tan ilaa markii uu Guardiola yidim waxana ay horyaalka ku guulaysteen 5 ka mid ah 6-dii sano ee ugu dambaysay.
Ferdinand ayaa ka cabsi qaba in ay Man City markii 4-aad ku guulaysan doonto horyaalka laakiin waxa uu sheegay in ay tartan kala kulmi doonaan Man United iyo Arsenal.
Arsenal ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 2004 xilli ciyaareedkii hore laakiin ugu dmabayntii waxa ay u wayday Man City.
Man United ayaa dhinaceeda ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee kala saraynta iyaga oo sidoo kale gaadhay 2 final.
“Manchester United iyo Arsenal, waa laba koox ee tartami doona, hadii ay jirto cid u dhawaan karta Man City, iyaga ayaa fursad u haysta”ayuu Ferndinand yidhi.
“Weli waxaan qabaa inuu jiro farqi u dhexeeya Manchester United iyo Manchester City: gudaha garoonka iyo bannaanka garoonka”.
“Laakiin waxaan qabaa in Manchester United ay ku socoto jihada saxda ah. Waxaan u maleynayaa inaad arki karto sida ay u wajaheen suuqa kala iibsiga”.
“Waxan qabaa in ay Arsenal sidaas oo kale ayay samaysay sidaas darteed waxa ay la soo wareegeen xiddigo fiican”.
Related