Xiddig u ciyaara kooxda Arsenal ee Zach Awe ayaa xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda Arsenal xilli uu fariin soo dhigay baraha bulshada.
Isaga oo adeegsanaya boggiisa Instagram, Zach Awe ayaa qoray””Waqtigeyga Arsenal wuu dhammaaday, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo ciyaartoydii iyo shaqaalihii i taageeray intii aan ku sugnaa Arsenal”.
“10-kii sano ee aan joogay kooxda waxaan wax badan ka bartay nafteyda ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaanba”.
“Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareemayaa inay tahay waqtigii horay u socon lahaa, waxaana ku faraxsanahay safarka aan ku jirno.”
Daafaca dhexe ee 19-jirka ah ayaa ku biiray akadeemiyada Gunners 2012-kii, waxaana uu horumar ka gaaray kooxda da’yarta ka hor inta aan la fasaxin xagaagan isagoo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxda Mikel Arteta.
Related