Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Bayern Munich ayaa diyaarinaysa dalab 110 milyan oo euro oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Harry Kane (Sky Sport).
Si kasta ha ahaatee Bayern iyo Tottenham ayaa wali ku kala fog qiimaha Kane kadib wadahadalo cusub oo ay yeesheen (Athletic).
Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga kooxda Aston Villa ee Douglas Luiz (Football Insider).
Kooxda Arsenal ayaa Brentford kala heshiisay saxiixa xiddiga David Raya iyada oo qiimuhu ku kacayo 30 milyan oo euro (Fabrizio Romano).
Kooxda Al-Hilal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Neymar waxana ay doonaysaa in ay la kulanto wakiilka xiddiga (Footmercato).
PSG ayaa diyaar u ah in uu ka tago kooxda PSG iyada oo kooxda sucuudiga ah u ogoshahay in uu hal xilli ciyaareed amaah ugu biiro Barcelona (Sport).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jean-Clair Todibo Si ay ugu badalaan Harr Maguire (RMC Sport).
Kooxda Liverpool ayaa 48 saac ee soo socota dhamaystiri karta saxiixa Xiddiga kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Twitter).
Xiddiga Man City ee Kyle Walker ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Man City inkasta oo uu horay heshiis ula gaadhay Bayern Munich (Athletic).
Xiddiga Romeo Lavia ayaan ciyaari doonin Kulanka Liverpool la ciyaari doonto chelsea Axada xitaa hadii uu ku biiro Liverpool (David Lynch).
Related