Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xor ku waayi karto xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan inkasta oo uu kaliya xagaagan ku soo biiray kooxda.
Ilkay Gundogan Ayaa qaab xor ah uga tagay Man City waxana uu ku biiray Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda reer England.
Laakiin Sida laga soo xigtay 90min, xiddiga Ilkay Gundogan ayaa qaar xor ah uga tagi kara kooxda Barcelona ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca dhaqaalaha waxana ay ku dhibaatoonaysaa in ay xiddigaha diwan galiso ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Ilkay Gundogan Ayaa heshiiskiisa ku daray in uu qaab xor ah uga tago kooxda Barcelona hadii ay kooxdu diwaan galin waydo xiddiga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Related