Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogoshahay in uu Kepa ku biiro kooxda Bayern Munich suuqa xagaaga kadib wadahadalo ay la galeen Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.
Bayern ayaa doonaysa saxiixa Goolhaye cusub kadib markii Yann Sommer ku biiray kooxda Inter Milan isla markaas uuna Manuel Neuer ku dhawayn in uu garoomada ku soo laabto.
Thomas Tuchel ayaa Maamulka Bayern Munich ka codsaday in ay u keenaan Kepa oo ay ka wada shaqeeyeen Chelsea intii uu tababaruhu hogaaminayay Blues.
Sida laga soo xigtay wargayska The Evening Standard kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay Goolhaye Kepa u ogolaato in uu ku biiro Bayern Munich xagaagan.
Related