Romeo Lavia ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray kooxda Southampton kulanka League Cup-ka ee ay la ciyaarayaan Gillingham xilli uu qarka u saaran yahay in uu u dhaqaaqo Liverpool.
Sida laga soo xigtay saxafiga Sacha Tavolieri, xiddiga da’yarka ah ayaa doonaya in uu si Rasmi ah ugu biiro Liverpool maanta.
Isniintii ayay ahayd markii ay Southampton diiday dalab Liverpool ah oo ay Reds ku doonaysay saxiixa xiddiga kadib markii ay miiska saartay 46 milyan oo euro.
Ku biirista Lavia ee Liverpool ayaa haatan u muuqda mid aad u dhaw haatan iyada oo xiddigu isku diyaarinayo in uu tijaabada caafimaadka u maro Liverpool.
Liverpool ayaa dalab 4-aad ka gudbisay xiddiga waxana ay ogolaatay in ay bixiso 50-ka milyan ee ay Southampton ku adkaysanayo in ay ku iibiso xiddiga.

Related



Source link