Tababaraha kooxda Ettifaq ee Steven Gerrard ayaa sheegay in uuna doonayn in uu kooxdiisa keeno xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Steven Gerrard ayaa weerar suuqa ah ku qaaday kooxdiisii kadib markii uu kala soo wareegay Jordan Henderson bishii Hore.
Henderson ayaa soo afjaray 12-sano oo uu ku sugnaa Reds ka dib markii loo soo bandhigay heshiis qaali ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 700 kun ginni.
Waxa jira warar sheegaya in ay kooxda Steven Gerrard mar kale qorshaynayso in ay Liverpool kala soo wareego xiddiga Mohamed Salah.
Laakiin Gerrard ayaa beeniyay in uu wax xiiso ah u qabo saxiixa xiddiga reer Masar.
Sida laga soo xigtay SportBible, mar wax laga weydiiyay hadii ay kooxdiisu xiso u qabo saxiixa Salah ayaa yidhi”Maya, Jawaabu waa Maya”.
“Maxamed Salah waa ciyaaryahanka aan ugu jeclahay. Waan jeclahay Kooxda Kubadda Cagta Liverpool, sidaas darteed Salah halkaas ayuu joogayaa”.
Related