Manchester United ayaa dalab 50 milyan euro ah u gudbisay Barcelona oo ay kaga doonayso Andreas Christensen, sida laga soo xigtay majaladda Catalan ee El Nacional.
Dalabka waxaa ku jira €35m oo hore iyo €15m oo kale oo dheeri ah.
Barcelona oo dhibaatoonaysa dhaqaale ahaan ayaa laga yaabaa in ay aqbasho dalabka Kooxda Man United ku doonayso xiddiga reer Denmark.
Xiddiga ayaa dhinaciisa doonaya in uu ku laabto premier League oo uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea.
Barcelona ayaa laga yaabaa in ay dalbato lacag dhan 50 milyan oo toos oo ayna ku jirin lacago gunooyin ah.
Waxa la sugayaa si ay Man United haatan uga fal celiso codsiga kooxda Barcelona.
Related