Liverpool ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia sida laga soo xigtay Ben Jacobs.
Southampton ayaa xalay Liverpool ka diiday dalabkii 3-aad ee ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe sida uu sheegay Paul Joyce.
Liverpool ayaa horay looga diida 2 dalab oo hore oo ay ka gudbisay xiddiga todobaadyadii hore iyada oo Southampton doonayso 50 milyan oo euro.
Liverpool ayaa haatan dirtay dalab cusub oo 4-aad oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe kaas oo uu Klopp si aad ah u doonayo saxiixiisa.
Ben Jacobs ayaa sheegay in ay Liverpool dalab 4-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga Lavia kadib markii ay Southampton diiday dalab 46 milyan ah
Related