Jurgen Klopp ayaa qirtay in Liverpool ay wali u baahan tahay ‘inay hesho shax’ ka hor kulankooda furitaanka Premier League ee ay Axada wajahayaan Chelsea.
Liverpool ayaa guul ku soo xidhatay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Darmstadt98.
Kooxda Klopp ayaa u safri doonta Stamford Bridge Axada kulankooda ugu horeeya ee premier League xilli ciyaareedka cusub iyaga oo la ciyaari doona Chelsea.
Laakiin Tababaraha Liverpool ayaa sheegay in kooxdiisu ayna wali dagin ka hor kulanka chelsea ee bilowga xilli ciyaareedka cusub.
“Sida iska cad waxa aan u muuqanay kuwo aan daalanayn oo fiican, 6-da maalin ee soo socota waa in aan helno shax aan kaga hor tagno chelsea”ayuu klopp yidhi.
“ma jirto cid dhaawacntahay cid walba way fiicnaatay”.

Related



Source link