Milkilaha 2-aad ee kooxda Inter Miami ayaa ka jawaabay dadaalada Barcelona ee ku aadan saxiixa Lionel Messi.
Barcelona ayaa ka shaqaynaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd Messi bilowga sanadka dambe.
Kooxda Xavi oo u waalanaysa Messi ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah kula soo wareegto xiddiga reer Argentine marka uu dhamaado xilli ciyaareedka Maraykanka.
Laakiin Milkiilaha Inter Miami ayaa meesha ka saaray in uu Messi amaah ugu biirayo kooxdiisii Hore ee Bacelona.
Jose Mas oo ah milkiilaha 2-aad ee kooxda oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Messi amaah uguma biirayo Barcelona wax walba oo dhaca”.
“Taasi ma dhacayso”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Related