Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub inkasta oo uuna Nevilles si buuxda meesha uga saarin fursadaha Arsenal ee horyaalka.
Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee England 4 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysata horyaalka premeir League.
Carragher ayaa sheegay in ay Man City noqon doonto kooxdii ugu horaysay ee taariikhda 4 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysta horyaalka.
“Waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican taariikhda ee Premier League ee aan aragnay”ayuu Yidhi Carragher.
“Ma garanayo waxa ay dareemayso in aad markii 4-aad ku guulaysato laakiin horay umay dhicin mana jirto koox xitaa u dhawaatay”.
“Arsenal way xoogantahay, Liverpool iyo chelsea way xooganyihiin laakiin Pep Guardiola ayaa dhigay heer waxana aan aamisanahay in ay ku guulaysan doonaan mar kale”.
Neville ayaa la dhacsan Arsenal laakiin waxa uu rumaysanyahay in ay Arsenal ku guulaysan doonto Premier League.
“Uma malaynayo in ay Arsenal samayn kartay wax ka badan inta ay samaysay si ay u soo yarayso farqiga, waxa ay sameeyeen saxiixyo fiican”ayuu yidhi.
“Wal-wala aam qabo ayaa ah in ay koox kaliya ku guulaysan karto horyaalka kooxdaasna tahay Man City”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link