Chelsea ayaa iska fogeysay wararka sheegaya inay wadahadalo kula jiraan Neymar si ay ula saxiixdaan xiddiga reer Brazil.
Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda PSG ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wararka ka imanaya France ayaa sheegaya in ay Ku laabashada Barcelona tahay dookha 1-aad ee ee xiddiga laakiin ay Barcelona doorbidayso saxiixa Bernardo Silav.
Chelsea ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay xiddiga Neymar iyada oo wargayska RMC Sport Isniintii sheegay in ay kooxda premier League ka ciyaarta doonayso saxiixa xiddiga Neymar xagaagan.
Si kasta ha ahaatee wargayska Guardian ayaa sheegaya in ayna chelsea wax xiiso ah u qabin saxiixa Neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wararka ayaa sheegaya in wararka Neymar la xidhiidhinaya ay tahay wakiilada xiddiga oo doonaya in ay suuq u sameeyaan xiddiga.
Related