Kooxda Arsenal ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo dhamaystiray saxiixii 4-aad ee suuqa xagaaga.
Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Kooxda Brentford ee David Raya kaas oo ay ku xoojinayso Goolkeeda xilli ciyaareedka cusub.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha wax walbana dhamaystirtay.
Romano ayaa xaqiijisay in uu Goolhaye David Raya todobaadkan tijaabada caafimaadka u maray kooxda Si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.
Goolhaye Romano ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal waxana haatan dhiman in si Rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska.

Related



Source link