Kooxaha Juventus iyo chelsea ayaa dhamaystiri kara heshiiska is dhaafsiga ah ee ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Romelu Lukaku & Dusan Vlahovic todobaadkan sida ay sheegayaan wararku.
Blues ayaa ilaa haatan la soo saxiixatay xiddigaha Axel Disasi, Robert Sanchez, Lesley Ugochukwu, Christopher Nkunku, Nicolas Jackson, Angelo & Diego Moreira suuqa xagaagan.
13 xiddig ayaa ka tagay kooxda chelsea suuqa xagaagan waxana ay kooxdu wali doonaysaa in ay xiddigo kale iska iibiso.
Lukaku ayaa ah xiddig kale oo ay chelsea doonayso in ay iska fasaxdo suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo xiddigu ku soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula joogay Inter.
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay Juventus iyada oo labada kooxood ka wadahadalayaan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen xidigaha Romelu Lukaku & Dusan Vlahovic.
Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, kooxaha chelsea iyo Juventus ayaa ku dhaw in ay ka heshiiyaan is dhaafsiga labada xiddig.

Related



Source link