Kooxda Liverpool ayaa saacadaha soo socda miiska loo saari doonaa dalab Rasmi ah oo 60 milyan ah oo ay ka helayso kooxda Al-Ittihad iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.
Ittihad oo ku guulaystay horyaalka sucuudiga ayaa haatanba is xoojisay iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Benzema, Fabinho iyo Kate.
Liverpool ayaa sidoo kale xiddigaha Jordan Henderson iyo Fabinho u waydya horyaalka sucuudiga todobaadkii hore.
Sida laga soo xigtay Tv-ga Al-Riyadiah, kooxda Al-Ittihad ayaa haatan wadahadalo kula jirta wakiilka Saah si ay ugala hadlaan saxiixa suurtagalka ah suuqa xagaagan.
Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda ka ciyaarta sucuudiga diyaar u tahay in ay salah mushahar ahaan u siiso 180 milyan oo euro muddo 2 sano ah isla markaas Liverpool miiska u saari doonto 60 milyan oo euro.
Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uu Salah wadahadalo kula jiro kooxda ka ciyaarta sucuudiga iyada oo dalabka loo soo bandhigay uu soo jiidanayo xiddiga.

Related



Source link