Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka fal celiyay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray kulankii Community Shield-ka ee ka dhacay Wembley Axadii.
Man City ayaa guuldaro rikoodhayaal ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan xiiso lahaa oo ay Arsenal daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka bar-baraha.
Ciyaarta ayaa lagu daray 8 daqiiqo kadib markii todobaadkii hore la xaqiijiyay in is badal lagu samayn doono wakhtiga dheeriga ah ee lagu daro kulamada.
Laakiin Guardiola ayaan raali ka ahayn daqiiqadihii lagu daray kulankii Community Shield-ka ee ka dhacay Wembley.
Laakiin arintaan kuma qancin Guardiola oo yiri: “Waxay ahayd wax laga xumaado, laakiin waa inaan la qabsanaa, waxaan dareemayay raaxo la’aan ma ahan sababtoo ah waxaan ku hogaaminay 1-0, laakiin wax badan ma dhicin si aan u tiriyo. 8 daqiiqo”.
“Waxa ay wakhtiga dheeriga ah ku qiimaynayaan dabaal-dagyada laakiin hadii 4/3 ciyaartu ku dhamaato waxa lagu dari lahaa 30 ilaa 45 il bidhiqsi tusaale ahaan laakiin sida dhacday waxa aanu ciyaari karnay ilaa subaxda”.

Related



Source link