Barcelona ayaa wali si aad ah isugu dayaysa inay dib ula soo saxiixato Lionel Messi oo ay ku doonayaan qaab amaah ah dhamaadka sanadkan sida laga soo xigtay Football Transfers.
Ilo wareedyo ku dhaw wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona si hoose uga shaqaynayso waxana ay rimaysan yihiin in ay qaab amaah ah ku heli karaan Messi marka uu dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka Maraykanka.
Messi oo 36 jir ah ayaa haystay fursad uu kooxda Barcelona ugu biiri karo xagaagan Laakiin waxa uu doortay in uu ku biiro kooxda Inter Miami.
Si kasta ha ahaatee waxa durba lala xidhiidhinayaa Barcelona kuwaas oo u waalanaya in ay Messi mar uun ku soo celiyaan kooxda.
Messi ayaa si fiican ku bilowday Nolosha kooxda Inter Miami waxana uu wacdaro dhigay tan ilaa markii uu ku biiray kooxda.
Leo Messi ayaa dhaliyay 5 gool 3 kulan oo uu ciyaaray waxana uu kooxda ka caawiyay in ay gaadho guulo muhiim ah.
Related