Taageerayaasha Man United ayaa sugi doona in uu Rasmus Hojlund ciyaaro kulankiisa ugu horeeya kadib markii uu dhamaystiray heshiiska uu ugu biirayo Old Trafford.
Xiddiga Rasmus Hojlund ayaa si Rasmi ah loo soo bandhigay shalay oo Sabti ahayd waxana uu noqday saxiixii 3-aad ee ay Man United samayso suuqa xagaagan.
Laakiin xiddiga reer Denmark ayaa seegi doona bilowga xlli ciyaareedka cusub sabab la xidhiidha dhaawac uu qabo xiddigu.
Xiddiga Rasmus Hojlund ayaa la filayay in uu hogaamiyo weerarka Man United xilli ciyaareedka cusub laakiin xiddiga ayaa qaba dhaawac.
Sidaas darteed xiddiga Rasmus Hojlund ayaa sidaas darteed ka maqnaan doona kooxdiisa cusub kulamada ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub.
Related