Daafaca kooxda Manchester United ee Raphael Varane ayaa tilmaamay halka ay Red Devils u baahan tahay in ay horumar ka samayso xilli ay sare u qaadayso isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda.
Daafaca dhexe ee reer France ayaa carabka ku adkeeyay in kooxda Erik Ten Hag u baahantahay in ay si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigaan xilli ciyaareedka cusub.
Raphael Varane ayaa Manchester United kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2021 waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkii hore isaga oo ciyaaray 34 kulan tartamada oo dhan.
“Waxaan u baahanahay inaan 100% taam u noqono xilli ciyaareedkan”ayuu Varane yidhi.
““Waxaan ka shaqeyneynay faahfaahinta. Xeelad ahaan, waxaan rabnaa inaan diyaar noqono. Waxaan dooneynaa inaan u shaqeyno koox ahaan”.
“Waa in aan xilli ciyaareedka cusub noqono kuwo joogteeda qaab ciyaareedka fican maalin walbana si fiican u ciyaarno”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link