Liverpool ayaa la filayaa inay dalab seddexaad ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Romeo Lavia ka dib markii ay southampton labadii hore diiday.
Southampton ayaa dalbanaysa 50 milyan oo euro Laakiin Liverpool ayaa 41 milya gudbisay dalabkoodii ugu dambeeyay.
Agaasimaha Southampton Phil Parsons ayaa sharaxay sababta ay kooxdu ugu deg degin iibinta xiddiga isla markaana ayna lacag jaban ku iibin doonin.
“We are looking at all options, but let’s be realistic,” Parsons said on BBC Radio Solent Sport.
“Waxaan eegeynaa dhammaan xulashooyinka, laakiin aan noqono kuwa macquul ah,” Parsons ayaa ku yiri BBC Radio Solent Sport.
“Waxaan heysanaa 30-ciyaaryahan, uma baahnin 30 ciyaartoy waxana aan eegaynaa in aan xalino arinta isku dheelitirka dhaqaalaha”.
“Waa in aanu xiddigo iska iibino, laakiin lacag jaban kuma iibinayno waanan sababta aan u diidnay dalabyada u imanaya Lavia”.
“Hadii ay kooxuhu doonayaan saxiixa xiddigeheena waa in ay bixiyaan lacagta aan doonayno”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link