Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badna suuqa galiyeen lacago badan lana soo saxiixdeen xiddigaha ay doonayaan.
Waxa jira kooxo baanka u jabiyay saxiixyada ay doonayaan waxana ka mid ah Arsenal oo lacga badna ka bixisay Rice iyo Real oo baanka u jabisay Bellingham.
Hadaba halkan waxan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ugu qaalisan ee la sameeyay suuqa kala iibsiga xagaagan.
1) Declan Rice (West Ham to Arsenal) – £100m + 5 millayn oo guno ah.
Arsenal ayaa heshay saxiixooda 1-aad kadib markii ay Man City ku garaaceen saxiixa xiddiga iyaga oo ka dhigay saxiixooda ugu qaalinsan.
2) Jude Bellingham (Borussia Dortmund to Real Madrid) – £88m + 25.6 guno ah:
Marka dhamaan lacagta la isku daro, saxiixa Bellingham ayaynu odhan karnaa waa saxiixa ugu qaalisan suuqa xagaaga waxana uu xiddigu Real Madrid kaga biiray Dortmund.
3) Josko Gvardiol (RB Leipzig to Manchester City) – £77m
Guardiola ayaa xiddiga reer Croatia ku xoojiyay kooxdiisa waxana uu ka dhigay daafaca ugu qaalisan kooxdiisa taariikhda suuqa.
4) Kai Havertz (Chelsea to Arsenal) – £65m
5) Rasmus Hojlund (Atalanta to Manchester United) – £64m + 8 milyan oo guno ah.
6) Dominik Szoboszlai (Leipzig to Liverpool) – £60m
7) Mason Mount (Chelsea to Manchester United) – £55m + 5 milyan guno ah.
8) Sandro Tonali (AC Milan to Newcastle) – £52m + 8 milyan guno ah.
9) Christopher Nkunku (RB Leipzig to Chelsea) – £52m
10) Malcom (Zenit to Al-Hilal) – £51.4m
Related