Halyeeyga kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay saxiixyada cusub ee Arsenal iyo horumarka ay samaynayso kooxdu.
Laakiin Halyeeyga Ayaan hubin in ay kooxdiisii hore awood u leedahay in ay Man City ku garaacdo horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Kadib markii ay ku dhawaadeen ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore, Mikel Arteta ayaa xoojiyay kooxdiisa isaga oo suuqa galiyay lacag ka badan 200 oo ay kula soo wareegeen Havertz, Rice iyo Timer.
Pires ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay ku jirto meel aad u wanaagsan oo ay mar kale ugu tartami karto koobab, isagoo u sheegay talkSPORT:”Waan rajaynayaa sababta oo ah waxa ay aad ugu dhawaadeen ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkii hore”.
“Waxan qabaa in ay Man City ahayd kooxda fiican sababta oo ah waxa ay la mid ahaayeen sida Mishiin oo kale, Guardiola waxa uu haystay 2 kooxood”.
“Laakiin waxaan la saxiixanay Rice, Havertz – Waxaan u maleynayaa in ay leeyihiin khibar fiican oo ay kooxdu ku caawin karaan waxana ay ka caawin karaan Arsenal ku guulaysiga horyaalka”.
Related