Labada daafac midig ee Manchester United Diogo Dalot iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa ka fiican dhigooda Arsenal Ben White.
Waxa sidaas qaba daafacii hore ee kooxda Man United ee Rio Ferdinand oo ka faaloonayay shaxda isku Dhafka ah ee labada kooxood.
White ayaa laf dhabar u ahaa kooxdii Arsenal ee ku dhawaatay ku guulaysiga premier league xilli ciyaareedkii hore inkasta oo uuna ka ciyaarin booskiisa saxda ah.
Xiddiga ayaa inta badan xilli ciyaareedkii hore ka ciyaaray daafaca midig isaga oo waliba wacdaro ka dhigat booskaas.
Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”white kama fiicna labada daafac midig ee jooga Man United”.
“Waxan u malaynayaa in uu Ben White soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba samayn karo horumar”.

Related



Source link