Michael Owen ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono kala saraynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.
Owen ayaa sheegay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Man City ayaa isku dayi doonta ku guulaysiga premier League markii 4-aad oo xidhiidh ah laakiin waxa ay wajihi doontaa tartan adag oo uga imanaya kooxaha Arsenal, Man Unitd Iyo Liverpool.
Kooxaha sida chelsea, Newcastle, Aston Villa iyo Tottenham ayaa sidoo kale rajaynaya in ay ku tartami doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa.
Xilli ay kooxo badan rajaynayaan in ay u tartamaan horyaalka premier League Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay Man City tahay kooxda kaliya ee ku guulaysan karta horyaalka.
Owen ayaa saadaaliyay in ay Man City ku guulaysan doonto premier League halka ay Arsenal ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad isaga oo Liverpool u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Man United u saadaaliyay kaalinta 4-aad.
Related