Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Lens kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.
Erik Ten Hag ayaa doonayay in uu sii jibaayo shaxda uu kaga hor tagi doono Wolves kulankooda furitaanka ah ee premier League.
Lens ayaa united kaga naxsatay gool wakhti hore ah kadib markii uu xiddiga Florian Sotoca dhaliyay gool gantaal ah oo uu meel fog ka toogtay goolka isaga oo arkay in uu Goolhayaha United ka soo baxay Goolkiisa.
Man United ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin Lens ayaa si fiican isku difaacday.
Qaybta dambe ayay Man United ku bilabaatay si dar-dar leh iyag oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.
Man United ayaa daqiiqadii 48-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Red Devils ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.
Xiddiga Antony ayaa daqiiqadii 53-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Casemiro ayaa daqiiqadii 59-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ugu gaadhay guul soo laabasho leh.

Related



Source link