Ku Biirista Josko Gvardiol ee Manchester City ayaa noqday mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn suuqa xagaaga waxayna ballan qaadaysaa inay yeelan doonto saameyn waarta.
Taasi waa ka dib markii ay soo baxday in kooxda RB Leipzig iska dhaaftay lacag dheeraad ah si ay heshiis wakhti dheer ah ula gasho kooxda Man City.
Man City ayaa 77 milyan oo euro kula soo saxiixatay xiddiga reer Croatoa waxana uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah isaga oo noqday mid ka mid ah daafacyada ugu qaalinsan taariikhda.
Heshiiska kuma jiraan wax gunooyin ah laakiin RB leipzig ayaa heshay qiimo gaar ah taas oo labada kooxood ka caawinaysa in ay isku dhawaadaan maadama ay kooxda RB Leipzig balansatay Man City kulan saaxiibtinimo wakhti dambe la shaacin doono.
Sidoo kale RB Leipzig ayaa heli doonta dhamaan lacagta laga sameeyo kulankaas sida laga so xigtay wargayska Bild.

Related



Source link