Halyeeyga Premier Legaue Gary Lineker ayaa saadaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Xilli ciyaareedkii hore Man City ayaa horyaalka ku garaacday Arsenal iyaga oo ku guulaystay horyaalkii 3-aad oo xidhidh ah.
Sidoo kale kooxaha chelsea, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood seegay tartanka champions League.
Si kasta ha ahaatee Weeraryahankii hore ee England ayaa saadaaliyay In ay Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isla markaas khibradii ay heleen ay caawin doonto.
“Waxa aan Arsenal u saadaalinayaa ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan, waxan u malaynayaa in ay suuq fiican soo qaateen ilaa haatan”ayuu u sheegay The Sun.
“Ku dhawaanshihii ay ku dhawaadeen horyaalka iyo waliba in ay kulamadii ugu dambeeyay seegeen ayaa Faa’iido u noqon doonta kooxda Mikel Arteta maadama ay ka helayaan khibrad”.
Related