Tababaraha Southampton Russell Martin ayaa u muuqday mid qirtay in Romeo Lavia ay aad ugu dhowdahay inuu ka tago kooxda xilli ay Liverpool xiiseyneyso saxiixiisa.
Xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Southampton xilli ciyaareedkii hore isaga oo soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn.
Liverpool ayaa haatanba laga diiday 2 dalab oo ay ku doonayso xiddiga waxana la filayay in uu xiddigu ciyaaro kulankii Southampton ku bilaabata xilli ciyaareedkeeda championship-ka.
Laakiin xiddiga ayaa kaydka ku dhamaystay ciyaarta isaga oo ahaa kayd aan la isticmaalin taas oo muujinaysa in uu xiddigu aad ugu dhawyahay in uu ka tago kooxda.
Tababaraha Southampton ayaaa kulanka ka hor sheegay in uu Lavia ku bilaaban doono shaxdiisa maadama uu xiddigu muhiim u yahay kooxdiisa.
Laakiin Go’aankii uu xiddiga kaydka ku dhigay ayaa cadayn u ah in uu xiddigu ku dhawyahay in uu ka tago kooxda Southampton xilli ay Liverpool diyaarinayso dalab 3-aad.
Related