Arsenal ayaa wajihi doonta Manchester City Axada kulan ka tirsan FA Community Shield 2023.
Community Shield waa ciyaar sanadle ah oo kubada cagta Ingriiska ah oo ay ku tartamaan kooxda ku guulaysata premier League iyo kooxda ku guulaysata FA Cup-ka Waa kulanka ugu dambeeya ka hor inta uusan si rasmi ah u bilaabmin horyaalka Premier League usbuuca soo socda 11-ka August.
Arsenal ayaa la ciyaareysa City ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee Premier League halka ay kooxda Pep Guardiola ku guulaystay koobka FA Cup-ka.
Ciyaarta sanadkan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo ay labada kooxood kulmaan tan iyo sanadkii 2014-kii, iyadoo kooxda waqooyiga London oo uu markaas maamulayay Arsene Wenger ay 3-0 kaga badisay kooxda Manuel Pellegrini ee City, waxaana goolasha u dhaliyay Santi Cazorla. Aaron Ramsey, iyo Olivier Giroud.
Sidoo kale waa markii ugu horeysay oo ay kooxahan iska hor yimaadaan tan iyo markii ay City ku garaacday Arsenal horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Kulanka: Arsenal Vs Man City.
Tartanka: Community Shield
Wakhtiga: 6:00
Garoonka: Wembley.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labada kooxood ayaa markii 2-aad isaga hor iman doona taariikhda tartanka iyada oo Arsenal garaacday kulankoodii hore ee ay isaga hor yimaadeen kulanka.
Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda 2-aad ee ugu guulaysiga badan tartanka Community Shield Iyaga oo ku guulaystay 16 jeer.
Dhinaca kale kooxda Man City ayaa kaliya 6 jeer ku guulaystay koobka Community Shield.
Arsenal ayaa 8 jeer oo hore ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee tartanka Community Shield halka kooxda Man City 8 jeer ku dhamaystay kaalinta 2-aad.

Related



Source link