Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ‘aad ugu faraxsan yahay’ saxiixyada cusub ee Arsenal, wuxuuna ku taageeray kooxdiisii ​​hore inay mar kale u tartanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Gunners ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier Legaue markii ugu horaysay tan ilaa 2004 xilli ciyaareedkii hore iyaga oo 84 dhibcood ka helay 38 kulan oo ay ciyaareen 5 dhibcoodna ka dambeeyay kooxda ku guulaystay horyaalka.
Kadib xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa Arsenal ayaa suuqa si fiican u gashay iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Rice, Timber iyo xiddigii hore ee chelsea Havertz.
Marka la eego dhaq-dhaqaaqooda suuqa kala iibsiga, Arsene Wenger ayaan arkin sabab ayna Arsenal mar kale ugu tartami karin horyaalka premier League.
“Waxan dareemayaa in uu Mikel shaqo fiican qabanayo, waxa uu qaadanayaa go’aansada saxda ah, haatan Arsenal waa koox Nidaamsan, wayna ku tartami karaan horyaalka premier League”ayuu Wenger yidhi.
“Way tartameen sanadkii hore, way ku guulaysan karaan sanadkan waanan ku kalsooonahay sababta oo ah sanadkii hore iyada oo 8 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka ayay samayn kareen”

Related



Source link