Pep Guardiola ayaa sheegay in Arsenal ay la soo wareegtay ‘ciyaaryahan cajiib ah’ ka dib markii Manchester City ay weyday heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Declan Rice.
Xilli Ay Arsenal Hogaaminaysay tartanka Xiddiga Rice, West Ham ayaa bilowgii xagaaga Man City ka diiday dalab 80 milyan oo euro ah oo ay ku doonaysay xiddiga 24 jirka ah.
Rice ayaa ugu dambayn ku biiray Arsenal isaga oo noqon doona xiddiga ugu qaalisan taariikhda premier League.
Guardiola ayaa aaminsan in Rice uu Arsenal u noqon doono ‘ciyaaryahan cajiib ah’ wuxuuna soo jeediyay in laacibku uu mar walba doonayay inuu ku biiro kooxda Arsenal inkasta oo ay Man City dalab ka soo gudbisay xiddiga.
“Rice waxa uu doortay Arsenal sidaas darteed nasiib wanaagsan ayaan u rajaynayaa”ayuu Guardiola yidhi shirki ka horeeyay kulanka Arsenal ee Community Sheild-ka.
“Waa ciyaartoy muhiim ah, waa Nin qof fiican waxana uu muhiim u noqon doonaa Arsenal”.
Related